Shabakada TaxaneNews

Ciidamada Dowlada Oo Xalay Isku Rasaaseeyay Muqdisho

Muqdisho(TaxaneNews)Oct.13,2017-Ciidamo ka wada tirsan dowlada federaalka Somalia ayaa xalay isku rasaaseeyey xaafada Xoosh oo ka tirsan degmada Dharkeynley ee gobolka Banaadir.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in israsaaseyntu ay bilaabatay markii ay ismaan dhaafeen ciidamada xasilinta oo howlgalo baaritaan ah waday iyo ciidamo kale oo gelbinayey aroos.

“Ciidanka xasilinta ayaa joojiyey ciidamo kale oo wax ka gelbinayey aroos, waxay ku amreen in la baarayo arooska iyo dadka la socda si amniga loo xaqiijiyo balse ciidankii arooska la socday ayaa dhega adeygay amarkaas taasoo sababtay rasaasta la iseydaarsaday” ayuu yiri mid ka mid ah dadkii la socday arooska oo magaciisa ku soo gaabiyey Xasan.

Ugu yaraan labo ruux oo uu ku jiro wiilka arooskiisa la gelbinayey ayaa ku dhaawacmay israsaaseynta oo socotay muddo kooban, iyadoo dhamaan dadkii arooska gelbinayey oo damaashaad ku jiray ay mar kaliya kala carareen.

Ciidamada xasilinta ayaa habeen iyo maalin howlgalo joogto ah ka wada degmooyinka magaalada Muqdisho kuwaasoo lagu xoojinayo amaanka caasimada, waxaana howlgaladaas ay sababeen isbedel laga dareemay dhinaca amaanka.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *