Shabakada TaxaneNews

Xisbul Xaakimka Kulmiye Oo Xaflada Balaadhan Uqabatay Jamaal Cali Xuseen+Sawiro

Xisbiga muxaafidka ah ee Kulmiye ayaa waxaa uu maanta Hotel Maansoor ee magaalada Hargeysa xaflad soo dhaweyn ah ugu sameyeey garabkii Jamaal Cali Xussen ee xisbiga UCID laga soo dareeriyey .

Xafladan fooladeynta ah ee xisbiga Kulmiye u sameynaayo garabkii Jamaal Cali Xussen ayaa waxaa ay ku soo beegmaysaa xilli ay abaar xun ay dalka ka jirto , isla markaana waxaa xusid mudan maalintii uu Jamaal Cali Xussen ka hadlaayey markii uu soo gabo gabooyey wada hadalka uu garabkiisu kula jiray xisbiga Kulmiye uu bulshada Somaliland u sheegay in xafladiisa soo dhaweynta ah la qaban doono marka abaarta laga baxo ee uu roobku da,o balse balan qaadaas uu xisbiga KUlmiye iyo bushada Somaliland u qaadey ayaa noqdey hal bacaad lagu lisay

Sidoo kale lama garan karo sababta loo soo dadejiyey qabasahda xafladan oo marka hore loo qoondeeyey sida uu Jamaal sheegay marka uu roobku da,o ee abaarta laga baxo

Dhinca kale waxaa iyaguna xafladan qeyb ka ahaa xubno hore ugu xisbiga Kulmiye xaflad ugu qabtey oo uu ka mid ahaa Mayaarka Berbera Cabdishakur Cidin oo xaflad sanadki hore loogu sameeyey Berbera




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *